Saturday, July 12, 2025

DEGDEG: Qarax labaad oo Goor dhoweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho & Faahfaahin

War hadda soo dhacay ayaa sheegay in Qarax labaad uu goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Banaadir.

Qaraxan oo uu fuliyey gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay Isgoyska Banaadir  ee magaalada Muqdisho, wuxuuna qaraxani dhacay iyadoo ciidamo ka ah halkaasi ay isku dayeen inay joojiyaan gaariga qarxay.

Ciidamada oo ka shakiyey Gaariga ayaa la sheegay inay rasaaseeyeen, iyadoo markaas kadib uu jiiray dad goobta ka dhowaa kadibna uu qaxay.

Qasaaraha uu geystay qaraxa ayaa la sheegay inay isugu jiraan dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobta xiray ciidamada amniga iyadoo ay iminka gaareen gaadiidka gurmadka degdega ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON