Tuesday, July 1, 2025

DEGDEG: Qarax labaad oo ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Magaalada Muqdisho & Xaaladda oo cakiran…

Qarax labaad oo aad u weyn ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan labaada ayaa yimid daqiiqado yar kadib markii uu dhacay qarax weyn oo qof is-miidaamiye ah ku qaaday Tiyaatarka Qaranka oo ah isgoys laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin ciidamada Amniga.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Hotel Shabeele, wuxuuna ahaa gaari NOAH ah, iyadoo lasoo weriyay  qasaare kala duwan.

Iyadoo goobta ay gaareen gaadiidka gurmadka, ciidamo fara badan iyo dad kala duwan ayaa waxaa dhacay qarax labaad oo isna ahaa mid culus, waxaana cakiran xaaladda goobta qaraxu ka dhacay.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA…

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON