War hadda nagasoo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax miino uu ka dhacay gudaha xerada Shiirkole ee magaalada Kismaayo oo lala beegsaday saraakiisha ciidamada Jubba.
Qaraxa ayaa ahaa mid ka dhex geliyay xafiiska ay ku shiraan saraakiisha ciidamada Jubba oo gudaha xerada ku shiraayay, saraakiisha bartilmaameedka waxaa ka kamid ahaa Taliyaha Ciidamada Daraawishta Jubbaland Gen. Aadan Koojaar oo ka badbaaday qaraxa, laakiin waxaa la xaqiijiyay saddex sarkaal ay dhinteen kuwo kalena ay dhaawacmneen.
Goobta la qarxiyay ayaa ahayd xero ciidan oo dhinaca ku heysa xarunta Madaxtooyada Jubba, waxaana xilliga qaraxa dhacay la sheegay in ciidamada ay qaadanayeen lacag mushaar ah. waxaana laga cabsi qabaa in askar dhexdooda ay fududeeyeen qaraxa.
Faahfaahin kale goordhow…
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]