Tuesday, June 24, 2025

DEGDEG: Qarax lagu dilay Taliyihii Guuto ka tirsan Milateriga Somalia [Ciidamo & Saraakiil ku dhintay]

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax Miino lagu dilay saraakiil iyo ciidamo ka tirsan ciidamada milateriga Soomaaliya.

Qarax ayaa la sheegay inuu ahaa miinada dhulka la geliyo oo ka dhacay degaanka Dhannaane ee Gobolka Sh/hoose, iyadoo lala beegsaday  kolonyo baabuur uu la socotay taliyaha guutada 12-ka April ee milatariga Soomaaliya General Cumar Aadan (Cumar Dheere) iyo saraakiil kale.

Jeneraal Cumar Dheere ayaa dhaawac ahaan loogu soo qaaday magaalada Muqdisho, balse uu geeriyooday intii isbitaaladda Muqdisho loo soo waday, waxaa kaloo qaraxaasi ku dhintay abaanduulihii Guutada 12-ka April Jeneraal Cabdi Cali Jamaame iyo ciidamadii ilaalada u ahaa.

Qaraxa oo ahaa mid aad u culus ayaa qabsaday gaariga ay la socdeen taliyaha iyo ciidamadii la socday, waxaan geerida ay gaareysaa 5 qof oo isugu jira saraakiil iyo ciidamo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON