Sunday, July 6, 2025

DEGDEG: Qarax is-miidaam ah oo ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Magaalada Muqdisho

Qarax xoog leh oo is-miidaamin ah ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lala beegsaday Ciidamada ammaanka ee ku sugan halka laga ilaaliyo madaxtooyada ee Isgoyska Sayidka Ee Magaalada Muqdisho.

Qarax ayaa waxaa geystay qof waday gaari miineysan oo isku qarxiyay barta koontaroolka ciidamada, iyadoo qasaaare kala duwan la soo sheegayo.

Rasaas xoog leh ayaa ka dhacday goobta, iyadoo qaraxa uu waxyeelo weyn gaarsiiyay ciidamo goobta ku sugnaa iyo gaari kuwa dagaalka ah oo marayay jidka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in 2 sarkaal lagu dilay weerarka iyo qof shacab ah, ayna ku dhaawacmeen 8 kale.

Ciidamo fara badan iyo gaadiidka gurmadka ayaa tegay goobta iyadoo la xiray wadadda Maka almukarama ee u dhow agagaarkaasi.

Alshabaab ayaa sheegatay weerarkan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee is-miidaamin ah oo muddooyinkan dambe ka dhaca magaalada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON