Monday, July 14, 2025

DEGDEG: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax is miidaamin ah uu ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa is miidaamin oo lala beegsaday agagaarka Xerada qaxootiga Rajo  jidka taga Jazeera ee degmada Wadajir, magaalada Muqdisho.

Ciidamo bar koontrool ku leh halkaasi ayaa ka shakiyay gaariga waxaana la sheegay inay rasaas ku rideen kadibna uu qarxay. Gaariga ayaa ahaa Mini Bus ama caasi.

Wararka hordhac ah ayaa sheegaya in gaari uu waday ruux is-miidaamiye ah  uu geysatay qaraxa, waxaana jira qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Dadka qaraxa ku dhintay qofkii waday gaariga iyo laba qof oo saarnaa gaari iska roge ah oo wadadda marayay, waxaana ku dhaawacmay saddex qof, waxaa kaloo qasaare soo gaaray dad ku sugnaa goobtaasi.

Gaarigan ayaa la sheegay inuu ku soo socday magaalada Muqdusho oo lagu wadaya inuu qaraxa ka geystay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON