Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.
Qarax ayaa ahaa is-miidaamin oo qof isku soo xiray Suunka waxyaabaha qarxa uu iridka Xabsiga isku miidaamiyay, iyadoo qasaare la soo werinayo.
Wararkii ugu horeeyay ee kasoo baxa qaraxan ayaa sheegaya in qaraxa uu geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Askari ka tirsan ilaalada taliyaha Asluubta ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday.
Xiliga uu qaraxa dhacay ayaa lagu jiray Saalada Jimcaha ee Khubadda, waxaana uu ka dhcaay meel u dhow masjidka Xabsiga oo la sheegay inay ku tukan jireen madax ka tirsan taliska ciidamada asluubta iyo maxkamadaha islamarkana ay halkaasi ku dukanayeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda.
Taliyaha Ciidamada Asluubta oo ka badbaaday Qarax Is-miidaam ah oo ka dhacay Xabsiga Dhexe