Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qof is miidaamiyay uu weerar ka fuliyay xarunta Dugsiga sare ee Booliska magaalada Muqdisho.
Qof la sheegay inuu isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay barxada Dugsiga Jeneraa Kaahiye oo ay ka socotay diyaargarowga xuska maalinta booliska Soomaaliyeed ee 20-ka Disembar.
Wararkii ugu horeeyay ee qaraxa is-miidaaminta ah ayaa sheegaya inay jiraan qasaare dhimasho iyo dhaaawac leh, waxaana goobta xiray ciidamada ammaanka iyadoo ay ka mid yahay xarumaha waaweyn ee ciidamada booliska Muqdisho ku leeyihiin.
LA SOCO FAAHFAHINTA…