Tuesday, July 1, 2025

Qarax Miino oo ka dhacay Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay

War hadda soo dhacay ayaa sheegay inuu qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Bakaaraha.

Qaraxa oo laga maqlay qeybo ka mida magaalada ayaa goor dhoweyd ka dhacay isgoyska Bakaaraha, waxayna wararkii ugu danbeeyay ee qaraxa sheegayaan inuu ahaa qarax nooca miinada ee dhulka lagu aaso.

Wararka ayaa sheegay in Ciidamada Amniga, qeybta Miino baarista ay ku guuleestay inay mid ka mid Miinooyinka kala furaan, iyadoo Miinada kale ay qarxay iyadoo  lagu howlanaa in la kala furo.

Ciidamada amniga ayaa sheegay inay fashiliyeen Miinooyin lagu aasay agagaarka Isgoyska Bakaaraha si qasaare loogu geysto dad shacab ah, waxaana halkaasi laga soo saaray Miino, iyadoo mid kale la qarxiyey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON