Friday, June 27, 2025

DEGDEG: Qarax weyn oo Goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax weyn goor dhoweyd uu ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan jidka mashquulka badan ee Shaqaalaha.

Wararkii ugu horeeyay ee qarax ayaa sheegaya inuu ka dhacay wadadda Maka Almukarama, iyadoo lala beegsaday  Bar Koontarool oo ay Ciidamadu ku baarayeen Gawaarida. Qaraxa ayaa saameyn ku yeeshay Baar cusub ee Somali Coffee oo dhowaan laga furay meel u dhow dhismaha Shinemo Somalia.

Ciidamda amniga ayaa xiray wadadda, waxaana is taagay isu socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo gaadiidka gurmadka degdega ah ay halkaasi ay gaareen, waxaana laga cabsi qabaa inuu jiro qasaare.

Wararkii ugu horeeyay ee qasaaraha uu dhaliyay qaraxa ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhinteen, halka dhowr kale oo dhaawac ah goobta laga qaaday.

DAAWO SAWIRRO: Qarax ka dhacay Baar Caan ah oo ku yaalla Magaalada Muqdisho

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON