Qarax weyn oo laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ka dhacay Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xoog badan ayaa ruxay magaalada xilligan oo ku dhow maqribnimada oo gaadiidka iyo wadooyinku mashquul yihiin.
Qaraxa ayaa ku beegan agagaarka madaxtooyada, gaar ahaana guriga hooyooyinka iyo Golaha Murtida ee National Theatre; waxaana la arkayaa olol iyo qiic weyn oo samada isku shareeray.
Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la soo weriyay inuu jiro, waxaana goobtaasi ay tahay bar ciidamada dowladda ay ka ilaaliyaan Madaxtooyada.
FAAHFAAHIN & SAWIRRO: Qarax xoog leh oo ka dhacay Tiyaaratarka & Guriga Hooyooyinka -Muqdisho
Goobjooge.com