War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu qarax culus goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee wadadda Maka Almukarama oo laga ilaaliyo Madaxtooyada iyo Xarunta Baarlamaanka, waxaana jugtiisa laga maqlay inta badan caasimadda.
Qaraxa oo la sheegay in loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kasoo inta aanu qarxin ay rasaaseeyeen ciidamada ku sugan barta Sayidka, wuxuuna geystay burbur iyo waxyeelo ka geystay halkaasi, iyadoo wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan inuu jiro qasaare kala duwan.
HALKAN KALA SOCO WIXII SOO KORDHA..