Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax xoog leh ka dhacay magaalada.
Qaraxan ayaa ka dhacay Wadadda mashquulka badan ee Maka Almukarama, agagaarka Hotelka Kuweit Palace oo u dhow Saldhigga Booliska Waaberi.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxa ka dhashay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo keenay xaalad qasan iyo qasaare gaaray agagaaarka goobta qaraxa ka dhacay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhinteen qaraxa, ayna jiraan dhaawacyo kale.
Faahfaahinta la soco..
Goobjooge.com