War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho uu ka dhacay qarax xoog leh oo laga maqlay caasimadda.
Qaraxan oo dhinaca awoodda kala mid ahaa qarxii dhowaan ka dhacay Dekadda Muqdisho ayaa wararka sheegayaan inuu ka dhacay bartamaha Muqdisho oo aan ka fogeyn agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.
Qaraxa ayaa ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, wuxuuna ka dhacay meel u dhow xarunta Tiyaatarka Qaranka ee u dhow Madaxtooyada.
LA SOCO FAAHFAAHINTA…
Goobjooge.com