Wednesday, July 16, 2025

DEGDEG: Qarax weyn oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax weyn uu goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir, magaalada Muqdisho. Waxaana loo adeegsaday gaari xamuul oo goobta la dhigay, sida wararka hordhaca ah sheegayaan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday suuqa Kaawo Godey, waxaana qasaare ba’an kasoo gaaray dadweyne fara badan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dad fara badan dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen dadweyne, ganacsato iyo dad fara badan oo suuqaasi ku sugnaa.

Dadweyne qaraxa ka badbaaday ayaa sheegay in ka badan 20 qof ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa.

Alsahbaab ayaa dhowr jeer qaraxyo noocan ah ka geystay magaalada Muqdisho.

LA SOCO FAAHFAAHINTA…

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON