Qarax weyn oo laga maqlay inta badan degmooyinka caasimadda ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wararkii ugu horeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya inuu ka dhacay jidka 21 October ee degmada Waaberi, agagaarka Afisyoone; waxaana lala sheegay in lala beegsaday Gaari halkaas marayey oo la sheegay inuu lahaa Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe.
Afhayeenka ayaa la sheegay inuusan gaarigisa la socon xilliga uu qaraxa qabsaday, waxaana la xaqiijiyey geerida qo shacab ah oo wadadda mareysay xilliga qaraxa.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…
