Monday, June 23, 2025

Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho & Faahfahin ku saabsan Qasaaraha ka dhashay…

Qarax xoog leh ayaa caawa fiidkii ka dhacay xaafadda Cali Kamiin ee caasimadda Muqdisho, iyadoo loo adeegsaday miinada dhulka la geliyo.

Qaraxan oo ahaa mid xoog leh ayaa ka dhacay agagaarka Cali Kamiin ee degmada Wardiigley, iyadoo wararkii ugu horeeyay inuu qaraxu ahaa miino la geliyay Maqaayadda Al-nasri, halkaasoo dad shacab ah ay waxyeelo kasoo gaartay.

Dad goobjooyaal ah ayaa sheegay in qaraxa uu qof ku dhintay, ayna ku dhaawacmeen laba qof oo kale, waxaana hadda uun soo abxaya faahfaahinta qaraxan oo caawa maqribnimadii kadib dhacay.

Ciidamada amniga ayaa goobtaasi gaaray, iyadoo muddo kooban xiray goobta, waxaana laga qaaday dadkii dhaawacmay iyo kuwii ku dhintay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON