War hadda soo dhacay ayaa sheegay in qarax xoog leh uu ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Saldhigga Booliska iyo Hotel Medina, iyadoo wararkii ugu horeeyay sheegayaan inuu ahaa qarax diyaarsan oo goobtaasi lasoo dhigay, waxaana la xiray dhammaan aagga uu qaraxa ka dhacay.
Wararka laga helayo magaalada Beledweyne aya sheegaya in ciidamada amniga ay xireen agagaarka saldhigga Booliska iyo Hotelka Medina, iyadoo laga shakiyey inay waxyaabo qarxa oo kale ay halkaasi yaallaan.
Qasaaraha uu geystay qaraxa ayaan weli kala caddeyn, waxaana loo diiday inay goobtaasi gaareen dadka iyo saxafiyiinta ku sugan magaaladaasi..
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..