Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoog ka dhacay degaanka KM 13 ee duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso laga maqlay inta badan magaalada ayaa wararku sheegayaan in lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda, laakiin wuxuu haleelay Gaari nooca NISSAN SURF ah, iyadoo uu ku dhintay darawalkii Gaarigaasi.
Dadka degaanka ayaa sheegay inuu qaraxa ku dhaawacmay qof gaariga la socday oo aan faahfaahin laga bixin, waxayna dadka degaanka sheegayaan in qaraxa kadib ay rasaas halkaasi ka dhacday.
Ma jirto wax war ah oo hay’adaha amniga kasoo saareen qaraxan, iyadoo sii kordheen qaraxyada loo adeegsado miinooyinka dhulka.