Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu qarax xoog leh ka dhacay agagaarka Isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo goor dhowey dhacay ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa iyadoo uu ka dhacay meel u dhow bar koontarool oo laga ilaaliyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Ciidamada amniga ayaa xiray goobtaasi, waxaana gaaray gaadiidka gurmadka degdega ah, wararka ayaa sheegay in gaarigan oo isku dayay inuu xoog ku maro barta koontaroolka ay rasaas ku rideen ciidamada NISA ee goobtaasi ilaaliya, balse uu si degdeg ah u qarxay.
FAAHFAAHIN: Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Bar laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho