War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu qarax xoog leh goor dhoweyd ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaaarka xarunta maamulka Gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaari laga soo bixiyey waxyaabaha qarxa, wuxuuna ka dhacay agagaarka xarunta Gobolka Banaadir ee degmada Xamarweyne, iyadoo ciidamada dowladda ay xireen goobta qaraxu ka dhacay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaraxa uu geystay waxyeelo kala duwan, iyadoo halkaasi ay ahayd meel mashquul badan. Waxaana qarxay la dhigay meel u dhow Saldhigga oo ku beegan Moolka Mogadisgu ee Xamar-weyne.
Warbixin kale hoos ka akhriso
Wararkii ugu danbeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho Mall iyo Qasaaraha ka dhashay [Sawirro-]