Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Qarax xoog leh oo ka dhacay Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay

Qarax xoog leh ayaa laga maqlay goor dhoweyd magaalada Muqdisho, iyadoo qeybo badan oo ka tirsan magaalada laga dareemay qaraxaasi.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa nooca meel fog laga hago, iyadoo la dhigay wadadda dhinaceeda meel u dhow Xeradii Jaalle Siyaad ee Milateriga,  waxaana jidkaas adeegsada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Bar-tailmameedka qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, Waxaana hadda soo baxaya warar faahfaahsan oo ku saabsan qaraxa iyo qasaaraha uu geystay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xilliga Qaraxu dhacay ay goobtaasi marayeen Gawaari milateri oo ay leeyihiin ciidamo Talyaani ah.

Kolonyo Ciidamo Talyaani ah oo lagu qarxiyey Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON