War hadda soo dhacay ayaa sheegay in qarax xoog leh uu goor dhoweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa wararkii ugu horeeyay sheegayaan inuu ka dhacay agagaarka Madaxtooyada, waxaana jugta qaraxa laga maqlay Muqdisho iyo agagaarkeeda. Xaaladda ayaa cakiran, waxaana aaggaasi xiray ciidamada amniga, iyadoo la arkayo uuro iyo qiiq weyn oo cirka isku shareeray.
Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu ku qarxay jidgooyada Tiyaatarka Qaranka oo laga ilaaliyo Madaxtooyada, iyadoo lasoo weriyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay.
Dadka dhintay ayaa ila hadda lagu sheegay lix qof oo u badan ciidamo, waxaan goobta lagu arkay meydadka laba haween ah.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..