Tuesday, July 22, 2025

DEGDEG: Qarax xoog leh oo ka dhacay Muqdisho & Dab qabsaday kaalin Shidaal

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoog leh uu goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay gaari laga soo buuxiyay waxybaaha qaraxa oo ku qarxay meel u dhow Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in gaariga uu qarxay iyadoo ay eryanayaan ciidamada Nabadgelyada, isla markaana uu dhaliyay dab qabsaday Kaalin Shidaal oo halkaasi ku taalla, waxayna intaas ku  dartay in la damiyay dabkii.

Baabuurta gurmadka ayaa tegay goobta iyadoo la soo weriyay inuu jiro qasaare kala duwan oo qaraxaasi ka dhacay.

Dadka degaanka ayaa ku waramaya in qaraxa uu ahaa mid xoog leh oo gilgilay inta u dhaxeysa Isgoyska Siinaa, iyadoo qaraxu dhaliyay inay gubato qeyb ahaan kaalin shidaal oo halkaas ku taallay.

Faahfaahin kale la soco….

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON