War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qaraxyo waaweyn laga maqlay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Qaraxyadan awxaaa xigay rasaas culus oo la is weydaarsanayo, waxaana xaalada ay noqotay mid cakiran.
Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyay agagaarka Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho halka loo yaqaan isgoyska Liido, waxaana la soo weriyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Dabley Alshabaab ka tirsan ayaa gudaha u gashay Baar ku yaala Liido oo lagu magacaabo Banadir Beach Restaurant, waxaana baarka oo loo nasasho tago ka socota rasaas iyadoo la soo weriyay in qasaare xoog leh ka dhacay…
Akhri Weerar ku socda Banadir Beach Restaurtant
DEGDEG: Weerar lagu qaaday Banadir Beach ee Xeebta Liido & rasaas ka socota..
Goobjooge.com