Wararka laga soo gaaraya Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qarax qasaare geystay uu ka dhacay xaafadaasi.
Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafadda Shanta Geed, waxaana markaas kadib la sheegay in Ciidamadii dowladda ee qaraxa lala beegsaday ay rasaas fara badan fureen taasoo sababtay dhimasha ugu yaraan 2 qof oo shacab ah iyo dhaawac 5 qof oo kale.
Labo Qarax oo kale ayaa sidoo kale ka dhacay xaafadda suuqa xoolaha, kuwaasoo lala beegsaday Ciidamo ka tirsan AMISOM oo isla goobta hore qarax uga dhacay marayay, iyagoo la socday Ciidamada dowladda.
Saddex qarax iyo Rasaasta ay fureen ciidamada dowladda ee qasaaraha dhalisay ayaa keentay inay dadweyn careysan isu soo baxaan oo halkaasi bannaanbax ka dhigaan, iyadoo xaaladda xaaladda ay tahay mid kacsan.