Qeybtii labaad ee musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inaysan ka qeybgaleynin dooda musharixiinta qeybteeda labaad.
12 musharax ayaa loo qoondeeyya inay ka qeyb galaan qeybta labaad ee dooda musharixiinta madaxweynaha oo loo asteeyay inay dhacdo 2:00 Duhurnimo ee xilliga Muqdisho, laakiin waxaa hareeyay khilaaf ka dhashay qaabka loo tebinayo iyo cidda tebineysa dooda.
Musharax Maxamed Cali Ameriko ayaa sheegay inay ka xun yihiin qaabka dooda loo maareeyay iyo in saxaafadda madaxa bannaan loo diido inay tebiso, wuxuuna sheegay isagoo ku qornaa qeybta labaad ee dooda inuusan ka qeyb geli doonin.
Qodobka doodwadaag ay yeesheen mushariixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa ahaa mid cusub oo ay soo kordhiyeen Baarlamaanka, waxaana fulintiisa ka yimid caqabado badan oo muujinaya is aaminid la’aanta ka dhex taagan siyaasiyiinta iyo hay’adaha dowladda.
Goobjooge.com