Weerar qorsheysan oo goor dhow ka dhacay xaafadda Buuloxuubey ee degmada Wadajir, magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in lagu dilay qof gaari watay.
Koox Dabley ayaa falkan geysatay iyadoo rasaas ooda uga qaaday qofka dhintay kadibna goobta ka baxsaday.
Dhinaca kale 3 qof ayaa ku dhaawacmay markii ilaalo la socotay gaari uu watay qof mas’uul ah ay rasaas ku fureen gaari kale oo ay ka shakiyeem, kadibna rasaas ku jawaabeen ciidamo ilaalo ka ahaa saldhigga Booliska Waaberi, taasoo keentay in xaalad dagaal ay isu bedesho isgoyska mashquulka badan ee Dabka.
Dadka dhaawacmay waxaa ka mida sarrifle, waxaana sidoo kale ay waxyeello gaartay Gaadiid dhowr ah iyadoo ay markiiba ka dhaqaajiyeen ciidamadii ilaaladd. Ciidanka Ilaalada ee kala shakiyya rasaas fara badan furay, waxaana muddo daqiiqado ah lagu kala cararay Isgooyka Dabka ee Magaalada Muqdisho oo kamida kuwa ugu mashquulka badan magaalada.
Shilkaas kadib ayaa la sheegay inuu Rasaasta kadib inuu goobta tegay Taliyaha Saldhigga Waaberi iyo Ciidamo uu watay, waxayna xaaladii dib ugu laabatay sidii caadiga ahayd.
Goobjooge.com