Thursday, June 26, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo magacaabay Wasiir cusub oo bedelaya C/fataax Geesey

War hadda soo dhacay ayaa sheegay in Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo magacaabay Wasiir cusub oo bedelaya wasiirkii Howlaha Guud ee Guryeynta oo shalay xilka iska casilay.

Ra”iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa u magacaabay  Cabdi Aadan Hoosow inuu noqdo Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska xukuumadda Soomaaliya.

Magacaabiddan ayaa imaaneysa 24 saacadood ka yar markii uu is casilay Wasiirkii hore ee Howlaha Guud C/fataax Geesey oo ka gadoodsan faragelinta dowladda Soomaaliya ku heyso maamulka K/Galbeed.

Waxa xusid mudan in magacaabiddan ay dhaceyso iyadoo uu Ra’iisal wasaaraha dalka ka maqan yahay, taasoo muujineysa saameynta iyo culeyska ay arrinta Baydhaba ku heyso madaxda dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON