Monday, June 23, 2025

Ra’iisal wasaare Rooble oo Berri xilka la wareegaya, Yaase ku wareejinaya..?

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu xilka la wareegi doono maalinta Berri ee Axadda ah.

Qoraal oo kala diray xubnaha Golaha Wasiirada ee xilka sii haya ayaa goor dhoweyd loo sheegay inay kasoo qeyb galaan xaflad uu xilka kula wareegayo Ra’iisal wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble oo ka dhici doonta Xafiiska Ra’iisal wasaraaha.

Farriinta loo diray xubnaha Golaha Wasiirada ayaa u qorneyd: “Dhammaan xubnihii Golihii hore ee Wasiirrada, waxa la idinku wargelinayaa in berrito oo Axad ah 27/09/2020, saacadda 10:00 am ay jirto Xafladda uu xilka kula Wareegayo Ra’iisul Wasaaraha Cusub mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka dhacaysa XRW..”

Ad

Waxaa muuqata in Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Roboble uu xilka kala wareegayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, iyadoo ay gaartay Warqad uu u diray Ra’iisal wasaarihii hore, uguna sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilka ku wareejiyo.

Arrintan ayaa ka dhigan inuu Ra’iisal wasaare Rooble u hoggaansamay rabitaanka Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo meesha ka saareysa rajadii laga qabay inuu noqon doono Ra’iisal wasaare u madax banaan Xafiiskiisa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON