Monday, July 7, 2025

DEGDEG: Rasaas ka dhacday Muqdisho & Ciidamada ammaanka iyo ilaalada siyaasi oo isku dhacay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rasaas la isku weydaarsaday goobo u dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya rasaas ciidamada ammaanka iyo ilaalada siyaasiga C/raxmaan C/shakuur  isku weydaarsadeen magaaalda Muqdisho agagaarka garoonka diyaradaha Muqdisho oo daqiiqado laga maqlay rasaas la is weydaarsanayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay isku dhaceen ilaalada siyaasiga iyo ciidamada ammaanka, iyadoo ay xaaladda hadda degan tahay, rasaastiina joogsatay, waxaa jira warar aan la xaqiijin oo ka hadlaya dhaawac ka dhashay is rasaaseynta.

Ciidamada ammaanka ayaa tegay guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyadoo sababta aan la shaacin, markaasoo iska hor imaadka uu yimid, wuxuuna guriga siyaasiga ku yaalla agagaarka Hotelka Jazeera.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA…

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON