Wararka laga helayo magaalada Kaabul ee caasimadda dalka Afghanistan ayaa sheegaya in rasaas laga maqlayo magaalada, iyadoo cabsi weyn ay ka jirto halkaasi.
Maleeshiyo ka tirsan Daalibaan ayaa la sheegay inay soo gaareen agagaarka iyo qeybo ka mida xaafadaha magaalada, waxaana magaalada la sheegay inaysan wax shaqo ah ka socon, lana xiray xafiisyadii dowladda iyo xarumihii Ganacsiga.
Dagaalyahannada Daalibaan ayaa galay degaanada duleedka magaalada Kaabul saaka, iyadoo lasoo weriyey in shaqaalihii dowladda oo argagaxsan ay isaga carareen xafiisyadii dawladda, waxaana diyaaradaha qumaatiga u kaca ay billaabeen in ay ku degaan xarunta Safaaradda Mareykanka ee caasimadda Afgaanistaan, si ay dalkaasi uga saaraan Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Mareykanka.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Afghanistan ah ayaa u sheegay Wakaalada Wararka AP in dagaalyahannadu ay ku sugnaayeen degmooyinka Kalakan, Qarabagh iyo Paghman ee caasimadda. Dagaalyahannada laftoodu ma qiran inay galeen caasimadda Kaabul.
Duulimaadyada degdegga ah ee diyaaradaha waaweyn ee Helikobtarka ee Boeing CH-47 Chinook ay ku degayaan safaaradda Mareykanka ayaa ka socda magaalada, waxaana la arkayey gaadiidka SUV ee Gaashaaman ee ay leeyihiin diblomaasiyiinta oo ka baxaya aagga Safaaradda.
Qiiq madow oo ka baxaya gudaha safaaradda Mareykanka ee magaalada Kabul ayaa la sheegay inuu yahay dokumenti iyo qalab kale oo ay gubayaan mas’uuliyiinta safaaradda Mareykanka oo ay socoto howlgalka lagu daadgureynayo.
Afhayeenka Daalibaan ayaa ugu baaqay ciidamada dowladda inay rasaasta joojiyaan si diblomaasiyiinta iyo dadka ajnabiga ah uga baxaan magaalada; waxaana wararku sheegayaan inay Daalibaan sugeyso 48 saac inta caasimadda Kaabul laga saarayo diblomaasiyiinta iyo dadka ajnabiga ah, kadibna ay geli doonto magaalada oo hadda qeybaha hore ee daafaheeda ay ku sugan tahay.
Daalibaan ayaa sheegtay inay dib ula baxday ciidamadeeda saaka qabsaday xaafado ka mida magaalada Kaabul, iyadoo aanay geli doonin caasimadda, balse ay go’doomin doonaan. Dhinaca kale waxay qabsadeen Saldhiga weyn ee Bagram iyadoo sii daayey boqolaal maxaabiis ah.
Dhinaca kale wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Afghanistan iyo madaxda siyaasiyiinta xisbiyada iyo dowladda dalkaasi ay u baxsadeen dalka Pakistan, iyadoo magaalada Kaabul ay isaga cararrayaan dhammaan madaxda ka cabsi qaba in Daalibaan ay qabsato caasimadda.
Ciidamadii Afghanistan ee ay dhiseen dowladaha Mareykanka iyo reer galbeedka ayaa kala cararray, iyagoo aan dagaalamin, qaarkoodna ay ku biireen Daalibaan, waxaana si weyn loo hadal hayaa sida ay u kala daateen ciidamo gaaraya ilaa 300,0000 askari oo dhaqaale badan lagu bixiyey, hub casri ahna lagu qalabeeyay.
