Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay weerar ku qaadeen saraakii ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya.
Weerarka ayaa ka dhacay Ceelka Tusbaxle ee degmada Dayniile, iyagoo ku sii jeeday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho oo xil wareejin ay ka dhaceysay maanta.
Saraakiisha la dhaawacay ayaa magacyadooda lagu soo gaabiyay Bedel, Mustaf Dhuxulow iyo Cabdi, waxaana ay ka mid ahaayeen saraakiisha sare ee ciidamada xoogga dalka.
Saraakiishan ayaa lagu weeraray gaari ay wateen oo gaari kale uu rasaaseeyay, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in saddex ka mida saraakiisha ciidamada dhaawacyo ka soo gaareen weerarka.
Kooxda weerarka geysatay ayaa baxsatay, iyadoo ay halkaasi gurmad ku tageen ciidamada ammaanka.
Goobjooge.com