War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ee milateriga Soomaaliya lagu dilay qarax miino oo ka dhacay gobolka Shabeelada Hoose.
Qaraxan oo ahaa mid dhulka lagu aasay ayaa waxyeelo ba’an u geystay gaari ay la socdaan saraakiil iyo ciidamo, waxaana wararku sheegayaan in qaraxu ka dhacay agagaarka magaalad Wanlaweyn.
Waxaa qaraxa oo ka dhacay duleedka magaalaa Wanlaweyn ayaa waxaa ku dhintay laba sarkaal oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenkii koowaad guutada lixaad ee ciidamada xooga dalka iyo taliye ku xigeeniii labaada ee guutadaasi, waxaa kaloo ku dhintay laba askari oo gaariga la saarnaa saraakiisha.
Saraakiisha iyo ciidamo la socday ayaa gurmad u ahaa ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo ku sugan Wanlaweyn, halkaasoo saaka aroortii ay weerar culus ku qaadeen kooxda Alshabab.
Weerarka Alshabaab ee degaanada hoos yimaad Alshabaab ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dhowr askari oo ka mida ciidamada dowladda, waxaana jira qasaare kala duwan.
Goobjooge.com