Monday, June 23, 2025

DEGDEG: Saraakiisha Ciidamada qabsaday qeybo ka mida Muqdisho oo u yeeray Saxaafadda..

Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa maanta la wareegay qeybo ka mida caasimadda Muqdisho.

Ciidamadan oo xalay soo gaaray duleedka Muqdisho ayaa barqanimadii saaka la wareegay inta badna degmada Kaaraan, waxaana lagu arkay Isgoyska Fagax ee kala qeybiya degmooyinka Kaaraan, Heliwaa iyo Yaaqshiid.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa goor dhoweyd u yeertay saxaafadda magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wado inay shir jaraa’id qabtaan oo ay ku faahfaahiyaan sababta ay magaalada caasimadda ah u soo galeen.

Ad

Qaar ka mida ciidamadan ayaa laga soo xigtay inaan dhowr bilood la siin wax mushaar ah, ayna dowladda xaqirtay, kuna sheegtay inay yihiin ciidamo beeleed.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay tallaabadooda xiriiri la leedahay arrimo siyaasadeed oo ku saabsan inay ka hor yimaadeen muddo kordhinta Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON