Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay dil ka geysteen caawa maqribnmadii.
Kooxdan oo Bistooladu ku hubeysneyd ayaa la sheegay inay toogasho ku dileen G/Sare C/llaahi Cilmi Nuur oo ka tirsanaa ciidamada Milateriga, kana firsanaa Waaxda Caafimaadka ee ciidamada xoogga dalka, kadibna ay baxsadeen.
Dilka ayaa kadhacay xaafadda Silliga ee Degmada Wadajir, magaalada Muqdisho oo falal noocan oo kale ah ay hore uga dhaceen. Sarkaalka ayaa ahaa madaxa gaadiidka caafimaadka ee ciidamada xoogga dalka.
Falalka khaarijinta ayaa sii xoogeysanay magaalada Muqdisho iyado dhinaca kale ay yaraadeen Qaraxyadii.
Goobjooge