Monday, August 25, 2025

Shirkii Madaxda Maamul Goboleedyada Caawa ka furmay Magaalada Kismaayo [Sawirro]

Shirkii madaxda maamul Goboleedyada ayaa Caawa Maqribkii kadib  ka furmay  magaalada Kismaayo
Shirka oo ay ka qeyb galayaan dhammaan madaxda maamul Goboleedyada sida: Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ay waxaa ku wehliya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamuladaasi iyo xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Shirkan oo 8-da Bisha loo qorsheeyay ayaa la sheegay in caawa uu noqon doono furitaan iyo khudbado ay jeedinayaan madaxda maamullada, halka maalinta berri uu si rasmi a u furmi doono.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam (Madoobe) ayaa furay shirka, waxaana Madasha la filayaa inay ka hadlaan madaxweynayaasha maamullada dalka ee ka qeyb galaya shirka.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON