Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in taliyaha Booliska Puntland uu amar ku bixiyey in garoonka Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garowe laga saaro taageerayaasha siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Amarkan ayaa quseeya xubnaha taageersan siyaasigan iyo xisbigiisa Wadajir ee sita boorarka xisbiga iyo sawirradiisa, taasoo taliyuhu sheegay inaan loo ogoleyn gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe oo wafdiyo kala duwan ay kasoo degayaan maanta.
Taliyaha Booliiska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa amarkiisu ku soo beegmay iyadoo C/raxmaan C/shakuur uu diyaarad ka raacay magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada Garowe, kadib farriin uu soo dhigay baraha bulshada.
Maamulka Puntland ayaa dadaal ugu jira inuu xakameeyo dhaqdhaqaaqa siyaasiyiinta mucaaradka ku ah madaxda dowladda Soomaaliya ee ay ku casuumeen xafladda caleemo saarka madaxweyne Siciid Deni.