Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in taliyeyaal ciidam lagala wareegay hub ay wateen.
Ciidamada loo qorsheeyay ammaanka magaalada Muqdisho ayaa dhowr sarkaal oo la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamada xoogga dalka kala wareegay qoryaha waaweyn ee nooca dhashiikaha oo ay wateen ilaaladooda.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Yariisow ayaa xaqiijiyay arrintan isagoo sheegay in ciidamada tallaabadan qaaday ay fulinayaan amarkii Golaha wasiirada ee madaxda dowladda looga mamnuucay inay magaalada ku dhex qaataan hub ka weyn qoriga AK47.
Is-rasaaseyn ka dhacday isgoyska KM4 ayaa la sheegay inay dhex maray ilaalada xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka iyo ciidamada ammaanka, waxaana magaalada maanta hareeyay iska hor imaadyo ku saabsan ammaanka Muqdisho.
Goobjooge.com