War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in taliyeyaal cusub loo magacaabay talisyada ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, kadib shirkii Golaha wasiirada xukuumadda Soomaalia oo goor dhow soo gabagaboobay.
Talisyada Milateriga, Booliska, Nabadsugidda iyo Asluubta ayaa dhammaan la wada bedelay, waxaana Shirkii Golaha Wasiirada lagu magacaabay taliyeyaal cusub oo kala ah;
Taliyaha ciidamada Milateriga waxaa loo magacaabay Gen. Yuusuf Odowaa Raage- Waxaa xilkan laga qaaday Jen. Aadan Cilmi Indha Qarshe oo muddo sanad kaliya ah soo hayey.
Taliyaha ciidamada Nabaddsugidda waxaa loo magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir- Waxaa xilkan kusime ahaan u hayey Fahad muddo sanad ah, welina lama magacaabin ku-xigeeno.
Taliyaha Booliska waxaa loo magacaabay Gen Cabdi Xasan Maxamed – Xilkan waxaa laga qaaday Gen. Bashiir Cabdi Maxamed.
Halka Taliyaha ciidamada Asluubta loo magacaabay Gen Mahad Cabdiraxmaan Aadan. – waxaa xilkan hore u hayey oo laga xayuubiyey Gen. Bashiir Maxamed Jaamac, taasoo ay ugu wacan tahay in awood qeybsiga beesha shanaad uu qaatay Fahad Yaasiin.