Thursday, March 28, 2024

Siyaasiyiinta Hawiye oo ku Midoobay Hambalyada aan loo kala harin ee Axmed Madoobe [Akhriso]

Siyaasiyiin ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee dalka, wasiiro hore iyo madaxweynayaal hore oo maamul Goboleed ayaa hambalyo u diray Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta markii saddexaad xilka madaxweynaha Jubbaland loogu doortay magaalada Kismaayo.

Siyaasiyiintan ayaa dhammaantood kasoo jeeda Beesha Hawiye, waxayna ka mideysan yihiin inay mucaarad ku yihiin madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dowladiisa ay si weyn uga horjeedo doorashada Axmed Madoobe mudo dheerna khilaad kala dhaxeeyay. SXubnaha hambalyada u diray Axmed Madoobe waxaa kamida: madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh, Shariif Sheekh Axmed, C/kariin Guuleed, Axmed Ducaale Xaaf, Thabit Cabdi Maxamed, Abshir Bukhaari iyo xubno kale.

HOOS KA AKHRISO DHAMBAALLADA HAMBALYADA EE AY DIREEN

Ad

XASAN SHEEKH MAXAMUUD: -Madaxweynihii hore ee Somalia

“Waxaan u hambalyeeynayaa Madaxweynaha la doortay Md. Axmad Madoobe. Waxaan xilka Ilaahey ha kula garab galo. Noqo kii bulshada reer Jubaland usii horumariyo uma dhammeystiro baahiyaha dib u Dhibka oo ay ugu horreyo AMNIGA. Guul iyo Nabad insha Allah” -XASAN SHEEKH-


AXMED DUCAALE GEELLE XAAF – Madaxweynihii hore ee Galmudug

“Waxaan halkaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa Mudane Ahmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland. Waxaan ku rajeynayaa in Eebe kugu asturo masuuliyadda culus ee laguu igmaday, shacab weynaha Jubulandna aad u horseedo Nabad iyo Horumar waara” -XAAF-


C/KARIIN XUSEEN GUULEED: – Madaxweynihii hore ee Galmudug

Hambalyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) oo maanta baarlamaanka Jubaland u doortay madaxweynaha dowlad gobaleedka mudada afarta sano ah ee soo socota, waxaana mudanaha Rabi oga rajeynayaa inuu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday. -C/KARIIN GUULEED-

- Advertisement -

THAABIT CABDI MAXAMED – Duqii hore ee Muqdisho

“Hambalyo Madaxweynaha la doortay ee DG Jubbaland Mdne Axmed M. Islam. Allaha u fududeeyo xilka ummadda ee ammaanada ah. Sidokale hambalyo musharixinta kale, si gaar ah musharax Canab M. Dahir oo natiijo fiican keentay, tusaale kudayasho mudanna u horseeday Haweenka Soomaliyeed. Madaxweyne Axmed waxaan kula dardaarmaya inuusan noqon Guuleyste balse noqdo Hoggaamiye isu keena mucaarad & muxaafadba maadaama labaduba ay kuwada abtirsadaan magaca Jubaland. Sidokale inta samaha jecel waxay kaa rajeynayaan inaad nabadoonnimadii lagugu yaqiin wax ku xeerisid. Ugu dambeyn, waxaan Dowladda Federaalka ah ugu baaqayaa in xalka dhabbe kale loo maro, saan arooryaadna dib loo raacin, oo tanaasul la muujiyo. DOWLADNIMADU WAA TACAB, TACABKUNA WAA ISKAASHI.” -THABIT CABDI-


ABSHIR MAXAMED AXMED BUKHAARI – GUDDOOMIYE KU XIGEENKA KOOWAAD EE AQALKA SARE

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweyne Axmad Maxamed Islaan “Madobe” oo maanta mar labaad loo doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka #Jubbaland. Waxaana u rajeynayaa in mudadiisa xilhaynta uu ku guuleysto waajibaadkiisa dastuuriga ah. Soomaaliya..” -ABSHIR BUKHAARI-


SHARIIF SHEEKH AXMED -Madaxweynihii hore ee Somalia

BISMILLAAH.. Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo walaalkeey Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta markale loo doortey inuu noqdo Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland ee Soomaaliya. Waxaan ka rajeynayaa in muddada afarta sana ee la doortey inuu waxbadan ka qabto horumarka deegaanka, uuna mudnaanta koowaad siiyo Amniga iyo dib udhiska Jubaland. Waxaan markale u mahad celinayaa guddigii doorashada iyo baarlamaanka 2aad ee Jubaland, aniga oo ku amaanaya sida hufan ee ay u guteen waajibkii ka saarnaa doorasho aan rabshad wadan inay ka dhacdo Jubaland. Waxaan ugu baaqayaa reer Jubaland inay gacmaha is qabsadaan, kana shaqeeyaan horumarka iyo dhismaha maamulkooda, qaybna ka noqdaan geediga dib loogu dhisayo guud ahaan Soomaaliya.” -SHARIIF SHEEKH AXMED-


DAAHIR MAXAMUUD GEELLE – WASIIRKII HORE EE WARFAAFINTA

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Somalia Daahir Maxamud Geelle

Waxaan u hambalyaynayaa Madaxweynaha dowlad- goboleedka Soomaaaliyeed ee #Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam doorashada mar kale loo doortay xilka madaxweynenimada. Sidoo kale waxaan u hambalyaynayaa Gudoonka cusub ee Barlamaanka labaad ee Jubbaland..” -DAAHIR MAXAMUUD GEELLE-

- Advertisement -

C/raxmaan C/shakuur – hoggaamiyaha xisbiga Wadajir

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, mudane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe). Waxaan madaxwyenaha la doortay u rajaynayaa guul iyo ka mira dhalinta hawlaha horyaal. Madaxda dawlada federaalka ah ee diiday natiijada doorashooyinka Jubbalad waxay isku marag fureen in ay Federaalka ka soo horjeedaan oo ay doonayaa nidaam xarun dhexe ka talis ah..” C/RAXMAAN C/SHAKUR

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON