Friday, June 27, 2025

DEGDEG: Toogasho lagu dilay laba qof oo ka dhacday Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in fal toogasho ah galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Koox dabley ah ayaa toogasho ku dishay laba askari oo la tirsanaa ciidamada milateriga, waxaana ay saarnaayeen gaari BL ah oo kuwa dadweynaha ah.

Kooxda dilka geysatay ayaa si gaadmo ah weerarkan u geysatay gaarigii ay saarnaayeen labadan nin oo ku lebisnaa dareyska ciidamada dowladda ee milateriga xilli ay marayeen is-goyska Bakaaraha.

Kooxda dilka geysatay ayaa baxsatay iyadoo ay markaas kadib gaareen ciidamada dowladda oo baaritaano ka sameeyay goobta dilka ka dhacay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON