Allaha u naxariistee waxaa goor-dhow si lama filaan ah ugu geeriyooday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa ugaaska beesha Xawaadle.
Ugaaska ayaa xilliga ay tii alle u timid wuxuu ku sugnaa hool uu shir uga socday Beesha oo looga hadlayay shirka maamul u sameynta Goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana la sheegay in wadmaha laga qabtay shirka dhexdiisa, kadibna isbitaalka loola cararay balse uu ku geeriyooday Ugaaska.
INNAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Goobjooge.com