Wararka laga helayo gobolka SH/Hoose ayaa sheegaya in qarax is-miidaam ah uu ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.
Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday xarun ay ciidamada dowlada ku leeyihiin Afgooye, halkaasoo qarax xoog leh uu ruxay, waxaana laga cabsi qabaa inuu ka dhashay qasaare xoog leh.
Is-miidaamiye waday gaari nooca NOAH oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa beegsaday xarunta saldhigga ciidamada Imaaraadku tababaray ee degmada Afgooye, waxaana goobta ka dhacay qarax weyn oo ruxay gebi ahaan Afgooye, iyadoo markaas ka dibna la maqlay rasaas.