Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Wasaaradda Amniga & Taliska Booliska oo beeniyay in Ciidamo ay Qabsadeen Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya

Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay in ciidamo ay qabsadeen xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo ay qabteen mas’uuliyiinta Wasaaradda Amniga iyo Taliska ciidamada Booliska ayay goor dhoweyd ku shaaciyeen in xarunta Baarlamaanka la geeyay ciidan Booliska ee birmadka oo lagu xoojiyey ammaanka xarunta Baarlamaanka.

Wasiiru dowlaha Amniga Xasan Macalin  ayaa sheegay in wasaaradda amniga ay bixisay amarka ah in la xoojiyo amniga xarunta baarlamaanka ee aanay jirin ciidamo qabsaday, wuxuuna intaas ku daray inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in la qabsaday Baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in Wasaaradu ay amartay in la xoojiyo amniga xarunta Baarlamanka si loo sugo amniga xarunta Baarlamaanka, ayna caddeynayaan in amarka uu kasoo baxay wasaaradd amniga.

Taliyaha ciidamada Booliska Gen. Bashiir Cabdi ayaa isna sheegay in ciidamada Booliska ay ku xoojiyeen xarunta Barlamaanka, Booliskuna ay waajib ku noqotay inay xoojiyaan amniga maadaama xaalad jirto, ciidanka booliskuna aanu u adeegin koox gaara.

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan ayaa caawa shaaciyey in xaruntii Baarlamaanka ay qabsadeen ciidamo uu soo amray Ra’iisal wasaare Kheyre, taasoo uu ku tilmaamay nasiib darro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON