Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu xilkii iska caslay wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed.

Arrintan  oo laga sheegay shirkii Golaha Wasiirada ee maanta oo hadda uun soo dhammaaday ayaa lagu micneeyay inuu wasiirku isu casilay arrimo shaqsi ah oo aan la faahfaahin, isagoo is casilaadiisa u gudbiyay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka Gaashaandhigga  ayaa maanta Kulankii Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya geeyey Waraaq Istiqaalo ah oo Xilka isaga Casilayo, Isagoo Golaha ka codsaday in ay ka aqbalaan Iscasilaada uu dalbaday, waxaana Golaha uu ka aqbalay is-casilaada uu sameeyey Wasiir Cabdi rashiid Cabdullahi.

Is-casilaada Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ka dambeysay  iyadoo uu isla maanta is casilayTaliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Jimcaale Cirfiid.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA…

DEDGEG: Taliyihii Ciidamada Xoogga Dalka oo Is-casilay [AKHRISO: Yaa lagu bedelay?]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON