War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Xuuthiyiinta Yeman ay weerar loo adeegsaday Gantaalo ku qaadeen caasimadda Sacuudiga ee Riyaad.
Wakaalada Wararka Reuters ayaa soo werisay in dadka magaalada Riyaad ay maqleen laba Qaraxyo, isla markaana lagu arkay qiiq madow oo hawada isku shareeray, kadib weerarka, waxaana warar u dhow kooxda Xuuthiyiinta ay sheegeen inay weerarro loo adeegsaday gantalalo iyo diyaarado Drone ah ku qaadeen caasimadda Boqortooyada Sacuudiga.
Isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yeman ayaa war uu soo saaray ku sheegay inay ka hor tageen Gantaal lagu soo weerarray magaalada Riyaad saaka aroortii. labadii maalmood ee ugu danbeeyay ayey kooxda Xuuthiyiinta ku weerartay Sacuudiga 3 Gantaal oo Plastic ah iyo 8 diyaaradood oo Drone ah.
Telefishanka kooxda Xuuthiyiinta ee Yeman ayaa ayaa sheegay in weerar culus ay ku qaadeen gudaha Sacuudiga, ayna soo saari doonaan war-saxaafadeed.
Afhayeenka ciidamada Xuuthiyiinta Yahya Saric ayaa sheegay inay gantaallo iyo diyaaradaha Drone ku weerarreen saldhigyo milateri iyo xarumo ciidan oo ku yaalla caasimadda Sacuudiga.