Nin dabley ah ayaa weerar ku qaaday Kaniisad ku taalla duleedka magaalada Qaahir ee dalka Masar iyadoo qasaare ka dhashay.
Warkan oo hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ninka dableyga ah uu rasaas ku furay Kaniisad ku taalla caasimadda Qaahira, sida ay sheegeen ciidamada Booliska, waxaana weerarkaasi lagu dilay qof oo Boolis ua badan iyadoo lagu dhaawacay 5 kale, intii aanu gelin dhismaha Kaniisadda.
Kaniisada la weeraray ayaa ku taalla magaalada Xilwan ee Koonfurta Qaahira, waxaana lagu magacaabaa Coptic Orthodox Church. Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay markii danbe dileen ninkii weerarka qaaday.
Kooxda Khilaafada islaamiga ee Daacish ayaa hore weerarro xiriir ah ku qaaday Kaniisadaha dalka Masar.
HOOS KA DAAWO NIKA WEERARKA GEYSTAY