Weerar ay qaadeen koox dabley ah ayaa ka dhacay meel u dhow Qarsiga Boqortooyada ee magaalada Jiddah.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay laba askari oo ilaalo ka ahaa qasriga Asallaam oo ah kan ugu weyn ee fadhiga u ah amiirada iyo boqorka, iyadoo sidoo kale la dilay mid ka mida dableyda.
Ciidamada Ammaanka Sacuudiga ayaa fashiliyay weerarka sida ay baraha bulshada ku sheegeen saxafiyiinta Sacuudiga, iyadoo weli aanay war cad kasoo saarin wasaaradda amniga Sacuudiga.
Safaaradda Mareykanka soo saartay digniin degdeg oo dadka Mareykanka ee ku sugan Sacuudiga looga digay inay yareeyaan socodkooda meelaha dhibaatada ka jirto, isla markaana ay feejignaadaan.
LA SOCO FAAHFAAHINTA…