Wararka laga helayo degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa weerar madaafiic ah lagu qaaday xerada Maslax ee duleedka Suuqa Xoolaha degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho oo ay degan yihiin ciidamo AMISOM ah oo kasoo jeeda dalka Uganda iyo Xero kale oo ciidamada Milateriga Soomaaliya degan yihiin.
Madaafiic ku dhow tobaneeyo ayaa la sheegay inay ku dhaceen xerada Maslax iyo agagaarkeeda iyadoo dadka degaankaasi ka ag dhowaa ay qaarkood ku waxyeeloobeen. Rasaas culus ayaa weli la maqlayaa lamana oga in weerarku ku kooban yahay madaafiic iyo inuu jiro weerar dhulka ah. Dadka degaanka ayaa sheegaya in xaalada ay tahay goob dagaal iyadoo kooxda Alshabab xaafadaasi xoog ku leedahay.
Warar hordhac ah oo ka soo baxaya dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay iyaguna ku jawaabeen rasaas culus oo ay rideen, welina wax faahfaahin ah lagama hayo qasaaraha, waxaase loo maleynayaa inay kooxda Alshabaab ka dambeyso.
Goobjooge.com